GAROWE: Xaafada Hantiwadaag oo Tartanka kadiska ku guulaysatay

Image
Image

Tartan aqooneedka Radio Garowe oo sanad kasta bisha barakaysan ee Ramadaan la qabto ayaa waxaa sanadkan ku guulaystay xaafada Haniwadaag oo ka mid ah xaafadihii sida aadka ah sanadkan aqoonta usoo bandhigay.

Ciyaarta ugu danbaysa ee tartankan ayaa waxaa isagu soo haray Hodan iyo Hantiwadaag waxayna ku tartameen madal ay dadwayne aad u faro badan soo buux dhaafiyeen iyadoona sidoo kale ay kasoo qayb galleen masuuliyiin ka socda mamulka degmada Garowe,wasiiro,shirkadda Golis iyo Horyaal Jed.

Inkastoo ay saluug muujiyeen dhalinyaradii magaca Xaafadda Hodan ku ciyaaraysan hadana waxa uu koobka iyo guusha ay raacday dhalinyaradda Xaafada Hodan waxana ugu danbayntii kalmado hadal ah kasoo jeediyay masuuliyiintii munaasibada kasoo qayb galay.

Hoolka shirarka Hotelka Rugsan ayay ka dhacday munaasibada maanta oo Arbaco ah 30.July.2014 waxana ugu horayntii hadalka qaatay Gudoomiyaha Jaamadda Bosaso University oo sanadkan soo diyaarshay su'aalaha xaafadaha ay ku tartamayeen wuxuna sheegay inay ku faraxsan yihiin qaabka uu usoo dhamaaday tartankan oo cilmi iyo aqoon guud ku dhisnaa.

Agaasimaha Radio Garowe Axmed Cawil Jaamac ayaa sheegay sababta tartankan sanad kasta loo qabto inay tahay sidii dhalinyaradda loogu jihan lahaa nahay xili kasta aqoonta baadi goobaan si looga bogsado dhaawacyadda uu dadkeena jahligu gaarsiiyay.

Garaad Cabdilaahi Cali Ciid ayaa madaxda iyo mamulka Radio Garowe usoo jeediayay boggaadin maadama ay isku taxalujiyaan sanad kasta qabashadda barnamijyo aqoon ku dhisan oo uu ka mid yahay kan maanta lasoo gunaanuday.

Madaxa Shirkadda Golis Mudane Maxamuud oo qayb ka qaatay taabo galinta barnaamijkan ayaa sheegay Golis ahaan inay mar kasta u taagan yihiin qabashada wax kasta oo danta umadda iyo hormarkeeda uu ku jiro si looga baxo aqoon la'aantana ay taageeraan barnamijyadda lagu tartamo.

Wasiir ku xigeenka wasaradda waxbarashada Puntland Dr.Maxamed Cali Faarax oo ka mid ahaa mas'uuliyiinta munaasibada xiritaankeeda ka hadlay ayaa boggaadiyay qaabka ay labada xaafodood isagu soo diyaarsheen tartankan.

Ugu danbayntii Wasiirka warfaafinta Cabdiwali Xirsi Cabdulle (Indho-Guran) ayaa munaasibada soo xiray isla markasna Xaafadaha tartamay iyo shaqsiyaadkii k qayb qaatay suurta galinimadda inuu qabsoomi gudoon siiyay bilado kala duwan.

Waxa uu Indhoguran sheegay inay lama maarmaan tahay in sidaan oo kale loo qabto tartamo ay isku arkayaan xaafadaha si ay u yaraato dhibaatooyinka yimaada wuxuna ku baaqay in xiliyadda la tartamayo lagu soo daro su'aalaha dhaqanka iyo waxyaabaha Puntland ay caanka ku tahay si loo barto.

Xaafadda Hantiwadaag oo koobka sanadkan ku guulaysatay ayuu abaal marin lacageed iyo koobkii gudoon siiyay sidoo kale xaafada laga guulaystay ee Hodan ayuu gudoon siiyay lacag.

Kaalinta saddeex Xaafada Horseed ayaa gashay halka sanadkan xaafada Waabari lagu abaal mariyay lacag ka dib markii guddiga tartanka ay u aqoon sadeen inay ahaayeen xaafadii ugu edabta wanaagsan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM