Karaash oo guddi u saarey dhacdadii magaalada Gaalkacyo

Image
Kusimaha madaxweynaha Puntland ayaa amray guddiga in ay baaritaan ku sameeyaan dhacdadaas.

GAROWE, Puntland - Madaxweyne kuxigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa magacaabay guddiga baarista dhacdadii ka dhacday Magaalada Galkacyo ee ay ku dhaawacmeen Nabadoon Yaasiin Cabdisamed iyo Taliye kuxigeenka Booliska Gobolka Mudug Koomaad.

Guddi Wasiiro, Xildhibaano iyo madax kalaba ah, kana kooban lix qof ayuu Axmed Karaash u saarey dhacdadaas si ay baaris ugu soo sameeyaan, sida lagu daabacay ciwaankiisa Facebook-ga.

"Waxaan guddi baaris kusoo sameeya u magacaabay dhacdadii ka dhacday magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug," ayuu u qornaa bayaanka kooban ee Karaash soo saarey.

1: Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan (Wasiir ku xigeenka Amniga iyo DDR) - Gudoomiye

2: Xil Axmed Jaamac Cabdulle (Xildhibaan Puntland).

3: Xil Cabdiweli Yuusuf Warsame (Xildhibaan Puntland).

4: Gen. Caydiid Axmednuur Warsame (Kusimaha Taliyaha Booliiska Puntland).

5: Aadan Cali Maxamuud (Kusimaha Xeer Ilaaliyaha Maxkamada Ciidanka Qalabka sida ee Puntland)

6: Asad Faarax Maxamed (Xoghayn)

Ciidamo la sheegay in ay ka tirsan yihiin maamulka magaalada Gaalkacyo ayaa caawa tagay guri uu dagan yahay nabadoon Yaasiin Cabdisamad. Goobta waxaa ku sugnaa wasiirka arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Cabdiladiif Muuse Nuur oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa Facebook-ga, ayaa wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali, wuxuu ku eedeeyay shaqaaqadii caawa ka dhacdey magaaladda Gaalkacyo.

Sanyare oo xaqiijiyey in uu hal askari ku nafwaayey iska-hor-imaadka ayaa sheegay in Cabdisaciid uu xambaarsan yahay wax uu ku qeexay "ka mira-dhalinta siyaasad madhalays ah iyo khal-khal galinta amniga Guud ee Magaaladda Gaalkacyo".

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa sheegay in ciidamo ka amar-qaata taliyaha booliska gobolka Mudug "ay soo weerareen" goob uu afur ugu sameeyay Nabadoon Yaasiin Cabdisamad waqoyiga magaalada Gaalkacyo.

Cabdisaciid oo qoraal ku daabacay Twitter-ka ayaa sheegay in socdaalkiisa uu salka ku hayo arrimo qoys wuxuuna "weerarka" ku qeexay "isku day dil siyaasadeed, waxaana kula xisaabtami doonaa dhamaan talaaboyinka laga maarmaanka ah".

Gaalkacyo ayaa ah magaalo u kala qeybsan laba dhinac. Dhanka koonfur waxaa ka talisa Galmudug, halka dhinaca Waqooyi ay maamusho Puntland. Sanadihii lasoo dhaafay, magaalada waxay si adag ula dirirtey kooxaha argagixisada ee xasilooni daradda horseedka u ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM