Khasaaraha weerarka Al-Shabaab ee Af-Urur oo la shaaciyey

Image
Dhimashada labada dhinac ayaa la soo sheegayaa in ay gaareyso illaa 8 qof oo 5 ka mid ah ay yihiin ciidamada Puntland

BOOSAASO, Puntland - Wararka ka imaanaya deegaanka Af-urur ee gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay waaberigii saaka weerar ku qaadeen saldhiga ciidamada Puntland ku leeyihiin halkaasi, weerarka ayaana ku bilowday hoobiyeyaal iyo hubka noocyadiisa fud-fudud.

Goobjooge ku sugan tuulada Af-urur ayaa Garowe Online u sheegay in waagu isugu baryay labada kooxood, dagaalkana uu wali ka socdo meel u dhow tuulada.

Taliyaha aagga bari ee ciidamada difaaca Puntland, Sicid Nuur Shire ayaa VOA u sheegay in weerarkan xogtiisa ay sii hayeen, ayna khasaaro ba’an gaarsiiyeen kooxihii soo weeraray.

Dhimashada labada dhinac ayaa la soo sheegayaa in ay gaareyso illaa 8 qof oo 5 ka mid ah ay yihiin ciidamada Puntland ee lasoo weeraray saaka. Labo ka mid ciidamada ka dhintay kuwa Puntland ayay miino la qaraxday.

Dhaawaca ciidamada Puntland ayaa gaarayaa 7, kuwaas oo 3 ka mid ah ay ku dhaawacmeen qaraxa lala eegtay ciidamadii gurmadka ahaa.

Ma aha markii ugu horreeyay ee kooxda Al-shabaab ay weeraraan deegaankaasi, iyadoo dhowr sano kahor weerar kan oo kale ah ay ku dileen askar badan, islamarkaana ay muddo kooban kula wareegeen gacan ku haynta deegaanka.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa ku dhuumaaleysata buuraha galgala ee deegaanada Puntland, halkaas oo dhawr jeer hawl-gallo aan lagu soo afjarin ay ka fuliyeen ciidamada milatariga Puntland.

Puntland ayaa lagu tiriyaa mamulka ugu amniga fiican maamulada qaybta ka ah dowladda federaalka Soomaaliya balse sanidihii danbe la daalaa dhaceysa weeraradda ay ka fuliyaan maleeshiyada Al-Shabaab kuwaas oo ay ku bartilmaameedsanayaan ciidama difaaca Puntland.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli hogaamiyaha Puntland Sicid Abdullahi Deni uu maalmo ka hor shaaciyay musharaxnimadiisa xilka madaxweynaha Soomaaliya. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM

Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho.

  • Puntland

    07-07-2025

  • 06:36AM