Madaxweyne Deni: Puntland ma aqbalayso Mashaariic siyaasadaysan

Image

GAROWE – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Sabtidii mar kale caddeeyey in maamulkiisu uusan ogolaan doonin mashaariic horumarineed oo leh ajande siyaasadeed in laga hirgeliyo gudaha Puntland.

Madaxweyne Deni oo ka hadlayey furitaanka buundo cusub oo $5 milyan ah oo ay maalgelisay Bangiga Adduunka, ayaa adkeeyey in dhammaan mashaariicda horumarineed ay waajib tahay in loo maro habraacyo sax ah isla markaana ay dhab ahaantii u adeegaan danaha shacabka Puntland.

“Mararka qaar waxaan maqlaa in Puntland ay mashruuc diiday. Haddii uu yahay mashruuc aan lahayn ujeedo cad ama lagu dhaawacayo sumcadda Puntland, waan diidnaa. Tani waa in la fahmaa,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweynuhu waxa uu intaas ku daray in qaar ka mid ah mashaariicda la doonayo in la dhaqan geliyo ay yihiin kuwo musuq-maasuq ku dhisan, loona adeegsanayo dad Puntland kasoo jeeda balse fadhigoodu yahay Muqdisho, si ay u adeegsadaan hay’adaha federaalka ujeeddooyin siyaasadeed dartood.

Hadalka Deni ayaa imaanaya xilli ay isa soo tarayaan eedeymaha mucaaradka uga imaanaya, kuwaas oo ku eedeeyey in uu carqaladeeyey mashaariicda horumarineed ee dowladda federaalka, oo ay kamid tahay dhismaha waddada muranka dhalisay ee Xarfo-Galkacyo, taas oo sababsatay rabshado ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Mudug.

Khadka khilaafka ayaa muujinaya xiisadda sii kordheysa ee u dhaxeysa Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha la xiriira qaybsiga kheyraadka, maareynta mashaariicda, iyo madax-bannaanida siyaasadeed. Maamulka Deni ayaa si adag uga soo horjeeda waxa uu ku tilmaamay faragelin siyaasadeed oo ka imaanaysa Villa Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo weeraray goob uu ku sugan yahay ku-xigeenka Hogaamiyaha Daacish

Wararka ayaa intaasi ku soo beegmaya iyadoo ciidamada Puntland ay si weyn uga go’an tahay in ay burburiso xarumaha muhiimka ah.

  • Puntland

    13-10-2025

  • 12:45PM

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM