Mareeye rasmi ah oo loo magacaabay dekadda Garacad

Image
Dhismaha dekada Garacad waa mashruuc maalgashi isku tashi bulsho, lana bilaaabay bishii 1aad 2016.

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 29 ee 19ka April 2022, kuna saabsan magacaabid Mareeyaha Dekadda Garacad.

Sidda laga soo xigtey wareegtadan lagu faafiyey ciwaanka Facebook-ga ee Madaxtooyadda Puntland, waxaa Cabdinaasir Biixi Soofe loo magacaabay Maareeyaha Dekadda Garacad.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY MAAREEYAHA DEKADDA GARACAD

Garoowe: 19 April 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 29 ee 19ka April 2022, kuna saabsan magacaabid Mareeyaha Dekadda Garacad.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo-aragnimdiisa shaqo.

Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdinaasir Biixi Soofe loo magacaabay Maareeyaha Dekadda Garacad.

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.


Dekadda Garacad ayaa waxaa maalgashaday ganacsatadda Puntland. Waxaa qayb ahaan dhismaheeda la dhameystiray sanadkii lasoo dhaafay. Markabkii ugu horeeyay ayaana ku xirtey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM