Mareeye rasmi ah oo loo magacaabay dekadda Garacad

Image
Dhismaha dekada Garacad waa mashruuc maalgashi isku tashi bulsho, lana bilaaabay bishii 1aad 2016.

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 29 ee 19ka April 2022, kuna saabsan magacaabid Mareeyaha Dekadda Garacad.

Sidda laga soo xigtey wareegtadan lagu faafiyey ciwaanka Facebook-ga ee Madaxtooyadda Puntland, waxaa Cabdinaasir Biixi Soofe loo magacaabay Maareeyaha Dekadda Garacad.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY MAAREEYAHA DEKADDA GARACAD

Garoowe: 19 April 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 29 ee 19ka April 2022, kuna saabsan magacaabid Mareeyaha Dekadda Garacad.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo-aragnimdiisa shaqo.

Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdinaasir Biixi Soofe loo magacaabay Maareeyaha Dekadda Garacad.

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.


Dekadda Garacad ayaa waxaa maalgashaday ganacsatadda Puntland. Waxaa qayb ahaan dhismaheeda la dhameystiray sanadkii lasoo dhaafay. Markabkii ugu horeeyay ayaana ku xirtey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM