Puntland iyo DP World oo is-faham cusub ka gaarey dekada Boosaaso

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Madaxwayne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta kulan la qaatay madaxda Shirkadda DP-WORLD.

DUBAI, UAE - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa galabta kulan la qaatay madaxda Shirkadda DP-WORLD si loo dardargeliyo oo dhakhso loo billaabo dhismaha iyo balaarinta dekadda Boosaaso.

Deni ayaa kulan mirro dhal ah la qaatay Suhail Al Banna oo ah Masuulka DP-WORLD u qaabilsan Bariga dhexe iyo Africa, waxaana la isla gaaray in sida ugu dhakhsiyo badan loo billaabo Balaarinta iyo Dhismaha Dekadda Boosaaso.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Mudane Axmed Yaasiin Saalax iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland kuwaasi oo markii Kulanku dhammaaday booqasho ku tegay Dekadda Jabal Cali iyo Xafiiska DPWORLD.

Madaxweyne Deni, ayaa tan iyo markii uu xafiiska yimi dadaal ku bixiyey Sidii loo dhaqaajin lahaa Shaqada balaarinta Dekadda Boosaaso, waxaana ugu danbeyn laga gaaray guulweyn oo ah in dhowaan uu bilowmayo mashruuca balaarinta Dekadda Boosaaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM