Puntland oo Taageero u Muujisay Jubbaland, Digniinna u Dirtay Dowladda Federaalka

Image

Garoowe, Puntland – Dowladda Puntland ayaa si cad u sheegtay taageeradeeda ay u hayso Jubbaland, iyadoo si kulul u cambaareysay faragelinta dowladda federaalka ee Soomaaliya ku hayso arrimaha gudaha ee Maamulkaas.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa digniin culus u diray dowladda federaalka, isagoo sheegay in duulaankii ay ku qaadey Raaskambooni halis geliyay xasiloonida dalka, islamarkaana ay tallaabooyinka noocaas ah ay dib u soo nooleyn karaan colaaddii sokeeye ee Soomaaliya ka dhacday.

“Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed looma adeegsan karo dano siyaasadeed oo gaar ah, mana aqbali karno in lala dagaallamo maamul goboleed doorasho ku yimid sida Jubbaland,” ayuu yiri Madaxweyne Deni, mar uu khudbad ka jeedinayay furintaaka kal-fadhiga 56-aad ee Baarlamaanka oo ka dhacay xaruntiisa magaaladda Garoowe.

Madaxweynaha Puntland ayaa si adag u dhaleeceeyay in dowladda federaalka ay isku daydo in ay wiiqdo awoodda maamulka Jubbaland, isagoo carabka ku adkeeyay in habka federaalka ah uu yahay midka keliya ee Soomaaliya uga bixi karto dib-u-dhacyada siyaasadeed iyo colaadaha.

“Soomaali ma jirto cid, cid kale qabsan karta. Qofna ma meteli karo qabiil kale, qaranimaduna waxay ku dhisan tahay is-ogol iyo wada-shaqeyn. Dowlad-goboleedyadu waa inay iyagu hoggaan u noqdaan maamulidda deegaannadooda, iyadoo la dhowrayo dastuurka federaalka,” ayuu yiri Deni.

Deni waxa uu xusay in haddii dowladda dhexe sii waddo faragelinta noocan ah, ay taasi keeni karto kala fogaansho siyaasadeed oo weyn oo caqabad ku noqon karta dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay.

Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa imaanaya xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka, ee salka ku haya nidaamka doorashadda iyo wax ka bedelka dastuurka ee uu sameeyay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Puntland ayaa muddooyinkii dambe muujineysay walaac xooggan oo ku aaddan sida ay dowladda dhexe u maareyneyso xiriirka kala dhexeeya dowlad-goboleedyada, iyadoo marar badan ku celcelisay in la dhowro qodobbada dastuuriga ah ee nidaamka federaalka.

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu dambeyn ugu baaqay dowladda federaalka in ay joojiso faragelinta siyaasadeed, isla markaana wadahadal dhab ah lagu xalliyo khilaafaadka jira, si loo badbaadiyo midnimada iyo xasilloonida dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo soo dhoweeyay Golaha Mucaaradka ee Muqdisho laga dhawaaqay

Puntland ayaa xiriirka u jartay dowladda Soomaaliya kadib markii ay ku xad-gudubtay dastuurka, sidoo kalena awoodda isku soo koobtay.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 09:28AM

Madaxweyne Deni: Puntland ma aqbalayso Mashaariic siyaasadaysan

Maamulka Deni ayaa si adag uga soo horjeeda waxa uu ku tilmaamay faragelin siyaasadeed oo ka imaanaysa Villa Soomaaliya.

  • Puntland

    14-06-2025

  • 04:47PM