Puntland: Taliyeyaal la magacaabay xilli ciidamadda ay kala qeybsan yihiin

Image
Askarta Puntland ayaa u kala qeybsan qaar taageersan xukuumadda iyo kuwa kasoo horjeeda ku darsi iyo furista dastuurka.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha waqtiga ka dhacayo Dowladda Puntland ayaa magacaabid iyo isku-badal ku sameeyay Taliyayaasha Qaybaha Boliiska ee Goboladda Nugaal, Karkaar, Gardafuu iyo Sanaag.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabidan iyo isbedelkan waxa uu ku sameeyay Xeer Madaxweyne Lr. 33 ee 24-ka Juune 2023, kuna saabsan magacaabid iyo Isku bedel. Xubnaha la magacaabay ayaa ah;

1. Waxaa G/Sare Maxamed Cali Axmed loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska ee Gobolka Nugaal

2. Waxaa G/Sare Xuseen Cali Maxamuud Taliyihii hore Qaybta Boliiska Gobolka Nugaal loo bedelay Taliyaha Qabta Boliiska Gobolka Karkaar

3. Waxaa G/Sare Aadan Axmed Cali loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska ee Gobolka Sanaag

4. Waxaa G/Sare Fu’aad Maxamud Xuseen loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska ee Gobolka Gardafuu

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADDA

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 33 ee 24-ka Juune 2023, kuna saabsan magacaabid iyo Isku bedel Taliyayaasha Qaybaha Boliiska ee Goboladda Nugaal, Karkaar, Gardafuu iyo Sanaag.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoondooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa G/Sare Maxamed Cali Axmed loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska ee Gobolka Nugaal

2. Waxaa G/Sare Xuseen Cali Maxamuud Taliyihii hore Qaybta Boliiska Gobolka Nugaal loo bedelay Taliyaha Qabta Boliiska Gobolka Karkaar

3. Waxaa G/Sare Aadan Axmed Cali loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska ee Gobolka Sanaag

4. Waxaa G/Sare Fu’aad Maxamud Xuseen loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska ee Gobolka Gardafuu

5. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

Magacaabidan ayaa waxay kusoo aadaysaa xilli ay kala qeybsan yihiin ciidamadda Puntland kuwaas oo u kala jabay kuwa taageersan xukuumadda iyo qaar kasoo horjeeda furista dastuurka iyo ku darsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM