Qaraxyo xalay ka dhacay Muqdisho

Image
Image

Waxaa xalay fiidkii qaraxyo lagu weeraray xarumo shirkadda Hormuud ku leheyd Deegaanka Garasbaaley ee magaalada Muqdisho.

Weeraradan oo dhacay abaaro 8-dii fiidnimo ayaa waxaa loo adeegsaday miinooyin nooca soo booddada ah, kuwaas oo la dhigay bannaanka hore ee xarumaha BTS-yada ee xaafadaha Igadaba-gey & Safaari ee deegaanka Garas-Baaley.

Inta la xaqiijiyey ma jiraan wax khasaaro nafeed ah ka dhashay qaraxyadan. Waxase jira burbur iyo qasaaro hantiyadeed oo soo gaaray dhismayaashii la qarxiyey.

Waxaa xusid mudan in kal hore sidan oo kale, qaraxyo lala beegsaday qaar ka mid ah laamaha iibka ee shirkaddu ku leedahay Xero-Jarmal (Xarutii Tababarka Farsamada Gacanta XTFG) ee Damada Daayniile & BTS-kii deegaanka Muusaaley ee Ceelasha biyaha taariikhdu markay ahayd 09-November-2023.

Dowladda Somalia & Shirkadda Hormuud ayaan weli ka hadlin dhacdooyinkaan, mana jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxyadaan, iyo cid loosoo xiray toonna.

Related Articles

Al Nahyan oo isbitaal ku booqdey askari looga dhaawacay Soomaaliya

Kabtan Mohammed Salem Al Nuaimi ayaa kamid ahaa dhaawacyaddii weerarkii Al-Shabaab ee Xero Gordan.

  • Wararka

    24-04-2024

  • 06:01AM

Madaxda Federaalka oo durba bilaabay fulinta ballamadii ay la galeen Xildhibaanada

Madaxweynaha JFS ayaa durba bilaabay xil u magacaabista xubnaha baarlamaanka.

  • Wararka

    02-04-2024

  • 08:02AM