Shan qof oo ku dhaawacantay qaraxyo ka dhacay Muqdisho

Image
Booliska Muqdisho ayaa sheegay in qaraxyaddan ka dhasheen baco lagu soo qariyay walxo qarxa.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan shan qof ayaa la xaqiijiyay in ay dhaawacyo kasoo gaaren qaraxyo kala duwan oo caawa ka dhacay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. 

Booliska ayaa sheegay in qaraxyada ay ka dhasheen walxo qarxa oo la dhigay qeybo kamid ah magaala madaxda. Balse masoo qaban cidii ka dambeysay.

"Ogaysiis, waxaan Shacabka Caasimadda ku nool ogaysiinaynaa in dhawaqa ay maqleen ay tahay uun Baco ladhigay dhawr goobood oo kala duwan Sidaas awgeed, wax dhib ah majiraan magaaladuna waa nabad," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Booliska.

Sidoo kale, taliska booliska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa sidoo kale waxa uu bogga uu ku leeyahay Facebook-ga kusoo shaaciyey sawirro uu ku sheegay in ay walxo sababay qaraxyada.

Walxaha kasoo muuqdey sawirada ayaa ahaa baco lagu soo shubay waxyaabo qarxa kuwaas oo dhawaqooda si xooggan looga maqlay qeybo kamid ah magaala madaxda Soomaaliya.

Meelaha ay qaraxyadan ka dhaceen ayaa waxaa la sheegay in ay kamid yihiin jidka Maka Al Mukarama gaar ahaan kasoo horjeedka saldhiga booliska degmadda Waaberi ee isgoyska Dabka.

Sikastaba ha ahaatee, ma ahan markii ugu horeysay oo fal noocaan oo kale ah ay ka dhacaan magaalada Muqdisho oo dhowrkii bilood lasoo dhaafay ay xaaladeedu ahayd mid xasiloon.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dad ku dhintay qarax miino oo ka dhacay Ceel-waaq-Kenya

Qaraxa ayaa lala beegsaday shaqaale sugayay fursado shaqo subaxnimadii hore ee Isniinta.

  • Wararka

    30-04-2024

  • 04:29AM

Al Nahyan oo isbitaal ku booqdey askari looga dhaawacay Soomaaliya

Kabtan Mohammed Salem Al Nuaimi ayaa kamid ahaa dhaawacyaddii weerarkii Al-Shabaab ee Xero Gordan.

  • Wararka

    24-04-2024

  • 06:01AM