​10 qof oo lagu soo qabtay howlgallo laga sameeyay Baydhabo

Image

Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed Somalia, ayaa maanta magalada Baydhabo kasameeyay howlgalo lagu soo qab-qabtay ku dhawaad 10 ruux oo lala xiriirinayo weeraradi dhawaan ka dhacay xarunta maamulkaasi.

Dadka lasoo qabtay, waxaa ku jira mulkiilaha geerash la sheegay in weerarada qaybtood laga soo abaabulay, waxaana la tilmaamay dhammaan xubnaha in hadda su'aalo lagu weydiinayo saldhig ku yaalla xarunta gobolka Baay.

 Howl galkan ayaa la sheegay inay sahleen xog laga helay xubno katirsan kooxda Shabaab kuwaasi maamulka Koonfur Galbeed gacanta ku hayo.

Qaraxyo dhawaan ka dhacay bartamaha magalada ayaa waxaa ku dhintay ku in kabadan 20 ruux, waxaan mas'uuliyadda weerarkaashi sheegatay kooxda Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaafka Siyaasadda Soomaaliya oo Hareeyay Shirka Kampala, Museveni oo Ku Baaqay Wada-hadal Loo Dhan Yahay

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti ayaa ka aragti duwanaaday soo jeedintan.

  • Soomaliya

    31-07-2026

  • 12:06PM

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM