13 qof oo ku dhintay qaybo ka mid ah Somaliland

Image

17 September, 2015(GO)-Qaar ka mid ah gobolada Somaliland waxaa ku dhintay ugu yaraan 13 qof oo ay saamaysay abaaro ka jira gobollada Awdal, Maroodijeex,Gebilay, Salal iyo Saaxil, kuwaas oo saldhig u ahaa dhinaca waxsoosaarka beeraha.

Abaartu waxay saamaysay in ka badan 240,000 qof kuwaasi oo ay haysato Cunto yari iyo nafaqo darro saamaysay curuurta iyo dadka waawayn ee ku nool qaybo ka mid ah Somaliland.

Goobaha abaartu waxyeellaysay ayaa muddo helin xilli roobaadka, waxaana soo baxaysa baaqyo kala duwan oo ay dirayaan Maamulka Somaliland iyo qaar ka mid ah hay'adaha ka hawlgala dhulka abaarta laga soo sheegaya.

War-saxaafadeed ay soo saareen Illaa 19 hay’adood oo isugu jira kuwo caalami ah iyo ururo samafal ayaa lagu sheegay in xaaladda nafaqa darro ee caruurta da’doodu ka hoosayso shan sano xilligan marayso meel sare, taas oo weliba la filayo inay kor u sii kacdo.

Hay’adaha samafalka waxay tilmaameen in illaa hadda la xaqiijiyey dhimashada 13 caruur iyo waayeel isugu jira, waxaana suurto gal ah in tiradaasi kor u kacdo haddii aan tallaabo la qaadin.

Waxaa sidoo kale jira, cabsi laga qabo in xaaladdu u sii gudbi karto masiibo bini’aadanimo oo horseedi karta waxyeello kale iyo in dad badani u barakacaan.

Maamulka Somaliland ayaa ka codsaday beesha caalamka iyo hay'addaha deeqda bixiya inay wax ka qabtaan dhibka jira oo caawiyaan dadka tabaalaysan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM