14 qof ku dhimatay dagaal ka dhacay magalada Baladweyne

Image

19 Octobar, 2015(GO)-Dagaal dhaliyay dhimashada 14 ruux iyo dhaawaca 20 kale ayaa maanta ka dhacay magalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan.

Dirirta ayaa dhexmartay labo mallayshiyo beeleed isku maan dhaafay gaari nooca xamuulka qaada oo mid ka mid ah mallaysiyaadkaasi dalbadeen canshuur, halka kooxda kale ku gacan sayrtay.

Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa dagaalkaasi la isu adeegsaday, waxuuna ka dhacay xaafadda Hawlwadaag ee magalad Baladweyne

Waxaa socda dadaalo ay wadaan odoyaasha dhaqanka, taasi oo ay ku doonayaa sidii loo hakin lahaa dhiig mar kale daata.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM