14 wasiir oo Ra'iisul Wasaare Cabdiweli ugu baaqay inuu is casilo

Image

November 17, 2014 (GO)- In ka badan toban wasiir oo ka tirsan Dowlada Federaalka ayaa qoraal ay si wadajir ah usoo saareen islamarkaana kaga codsanayaan inuu is casilo u gudbiyey Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed Maxamed.

Xubnahan oo tiradoodu gaareyso 14 waxay Ra'iisul Wasaaraha ka codsadeen inuu tanaasul sameeyo maadaama haddii xaaladu sidan kusii socoto in khilaafku sii xoogeysto maahee waxba hagaagi karin.

Weli Ra'iisul Wasaaruhu aritan jawaab kama bixin waxaana jira warar hoose oo sheegaya in wasiirrada baaqa soo saaray ku goodiyeen inay is casili doonaan haddii Ra'iisul Wasaaruhu ka madax adeygo inuu xafiiska baneeyo.

Khilaafka u dhexeeya labada mas'uul ee ugu sarreeya Dowladda Federaalka ayaa saameyn ku yeeshay goleyaasha wasiirrada iyo baarlamaanka oo iyagu ukala jabay labo garab oo kala taageersan Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha.

Wasiirrada bayaanka soo saaray ayaa kala ah:

1-Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/llaahi Goodax Bare.
2-Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed.
3-Wasiirka Maalliyadda Xuseen Cabdi Xalane.
4-Wasiirka Gaashaandhigga Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.
5-Wasiirka Macdanta Daa’uud Maxamed Cumar.
6-Wasiirka Sportiga iyo Dhalinyarada Khaalid Cumar Cali.
7-Wasiirka Arrimaha Dibadda C/raxmaan Ducaale Beyle.
8-Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Jaamac Axmed Maxamed (Oday).
9-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Luqmaan Sheekh Ismaaciil.
10-Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Yuusuf Macalin Amiin (Baadiyow).
11-Wasiirka Qorsheynta Saciid C/laahi Maxamed.
12-Wasiirka Beeraha Cabdi Axmed Baafe.
13- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Mudane Maxamed Coloow Baroow.
14-Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska Nadiifo Maxamed Cusmaan.

Go'aankan ayaa kusoo aadaya maalin ka hor shirka lagu lafa gurayo barnaamijka New Deal ee berri ka furmi doona magaalada Copenhagen ee dalka Denmark.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM