​15 katirsan Al Shabaab oo lagu dilay Galbeedka Kismaayo

Image
Image

KISMAYO, Somalia- Sarkaal kamid ah hay'adda Nabad Sugidda Jubbaland ayaa sheegay in 15 dagaalyahan oo katirsan Kooxda Al Shabaab lagu dilay howlgal ciidamada maamulkaasi ku fuliyeen Galbeedka magaalada Kismaayo.

Axmed Maxa’ed (Carab), oo ah Afhayeenka Nabad Sugidda Jubbaland ayaa xaqjiyay dilka 15-ka Mallayshiyaad, kuwaasi oo uu sheegay inay lagu khaarajiyay dagaal ka dhacay deegaanada Jannaay Cabdalle iyo Beerxaani.

Deegaanada Janaay Cabdalle iyo Beerxaani, waxay 60KM dhanka Galbeed uga beegan yihiin Kismaayo, waxaana gacanta ku haya Kooxda Al Shabaab, oo dagaal kula jirta maamulka Jubbaland iyo ciidanka KDF.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in howlgalka uu yahay mid sii socon doono inta ay Kooxdaasi ka saari doonaan  gobolka Jubbada Hoose, oo dadka ku nool si qasab ah Geel dhawaan looga dhacay.

Al shabaab ayaa lagu eedeeyay in 1,000 Neef oo Geel ah ay Todobaadkii tagey dabaqaayadiisa ka qaateen shacab xoolo dhaqato ah oo duleedka Kismaayo ku nool, kuwaasi oo Abaarta ka laysay badi duunyadii ay dhaqanayeen.

Si kastaba, Kooxda Al shabaab ayaan wali ka hadal warka kasoo baxaya Jubbaland ee ku aadan dilka 15-ka dagaalyahan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM