​20 ku dhimatay qaraxyo ka dhacay Baydhabo

Image

BAYDHABO- Qaraxyo xooggan ayaa gilgilay magalada Baydhabo xarunta gobolka Baay, waxaana la xaqiijiyay geerida 20 ruux halka dhaawaca gaarayo 30 qof. 

Qaraxaan oo lala beegsadey makhaayad iyo Hotel dhaliyaro ku daawaneysay kubadda cagta kuwasoo loo adeegsadey gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa halka qof kale sameeyey is-miidaamiyey.

Daryanka weeraradan, ayaa laga maqlay guud ahaan magalada, waxaana uu saameeyay isu-socodka iyo ganacsiga magalada, waxaana durba goobta soo gaaray ciidamada ammaanka oo isku geedaamay halka qaraxyadu ku dhaceen.

Dadkaan la weeraray oo daawaneysay cayaaraha u dhexeeyey maanta kooxaha Arsenal iyo Man.United ayaa waxaa ku badnaa siyaasiyiin iyo qurba joog.

Weerarkaan ayaa waxaa sheegatay xarakada Alshabaab.

Dhinaca maamulka Koonfur Galbeed kama hadlin falkan oo aan ahayn markii ugu horaysay oo qaraxyo ka dhacaan xarunta gobolka Baay.

Wixii kasoo kordha wararkeena dambe ayaan idiin kusoo gudbinaynaa

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaafka Siyaasadda Soomaaliya oo Hareeyay Shirka Kampala, Museveni oo Ku Baaqay Wada-hadal Loo Dhan Yahay

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti ayaa ka aragti duwanaaday soo jeedintan.

  • Soomaliya

    31-07-2026

  • 12:06PM

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM