​20 ku dhimatay qaraxyo ka dhacay Baydhabo

Image

BAYDHABO- Qaraxyo xooggan ayaa gilgilay magalada Baydhabo xarunta gobolka Baay, waxaana la xaqiijiyay geerida 20 ruux halka dhaawaca gaarayo 30 qof. 

Qaraxaan oo lala beegsadey makhaayad iyo Hotel dhaliyaro ku daawaneysay kubadda cagta kuwasoo loo adeegsadey gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa halka qof kale sameeyey is-miidaamiyey.

Daryanka weeraradan, ayaa laga maqlay guud ahaan magalada, waxaana uu saameeyay isu-socodka iyo ganacsiga magalada, waxaana durba goobta soo gaaray ciidamada ammaanka oo isku geedaamay halka qaraxyadu ku dhaceen.

Dadkaan la weeraray oo daawaneysay cayaaraha u dhexeeyey maanta kooxaha Arsenal iyo Man.United ayaa waxaa ku badnaa siyaasiyiin iyo qurba joog.

Weerarkaan ayaa waxaa sheegatay xarakada Alshabaab.

Dhinaca maamulka Koonfur Galbeed kama hadlin falkan oo aan ahayn markii ugu horaysay oo qaraxyo ka dhacaan xarunta gobolka Baay.

Wixii kasoo kordha wararkeena dambe ayaan idiin kusoo gudbinaynaa

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM