​19 katirsan Shabaab oo lagu dilay Jubbada hoose

Image

Wasaaradda Gaashaandhigga dalka Kenya, ayaa xaqiijisay inay dileen mallayshiyaad katirsan kooxda Al-Shabaab oo kadib markii ay isku dayeen inay ku soo dhawaadaan saldhig ciidankoodu ku lahaayeen degmada Afmadow ee gobolka Shabeellaha hoose.

Isku daygaasi, ayaa xukuumadda Nairobi sheegtay inay ku dileen ku dileen 19 katirsan ciidanka Shabaab, iyagoo intaasi raaciyay inay howlgalkaasi wada fuliyeen ciidamadooda qaybta ka ah AMISOM iyo ciidamo katirsan dowladda Federalka.

Afhayeen u hadlay ciidankanka Kenya oo lagu magacaabo David Obonyo ayaa sheegay 19 katirsan Al-shabaab ladilay islamarkaana laga burburiyay hal gaari lagana furtay 10 qori oo AK-47 iyo sadex gentaalada garabka laga rido ee loo yaqaano RPG.

“Kooxda Alshabaab ayaa isku dayday inay weerar ku soo qaadaan saldhigeen Afmadow ee Jubbada hoose, isla markiiba waxaa ka hortagay ciidanka dalka Kenya oo hadda rondo ku jira,”Ayuu yiri xilli uu la hadlay warbaahinta.

Tan iyo wixii kadambeeyay weerarkii Ceelcadde ee lagu qaaday ciidamada Kenya, waxaa socday duqaymo iyo weeraro dalkaasi la eeganayo kooxda Shabaab ee dagaalka kula jirta dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM