​19 katirsan Shabaab oo lagu dilay Jubbada hoose

Image

Wasaaradda Gaashaandhigga dalka Kenya, ayaa xaqiijisay inay dileen mallayshiyaad katirsan kooxda Al-Shabaab oo kadib markii ay isku dayeen inay ku soo dhawaadaan saldhig ciidankoodu ku lahaayeen degmada Afmadow ee gobolka Shabeellaha hoose.

Isku daygaasi, ayaa xukuumadda Nairobi sheegtay inay ku dileen ku dileen 19 katirsan ciidanka Shabaab, iyagoo intaasi raaciyay inay howlgalkaasi wada fuliyeen ciidamadooda qaybta ka ah AMISOM iyo ciidamo katirsan dowladda Federalka.

Afhayeen u hadlay ciidankanka Kenya oo lagu magacaabo David Obonyo ayaa sheegay 19 katirsan Al-shabaab ladilay islamarkaana laga burburiyay hal gaari lagana furtay 10 qori oo AK-47 iyo sadex gentaalada garabka laga rido ee loo yaqaano RPG.

“Kooxda Alshabaab ayaa isku dayday inay weerar ku soo qaadaan saldhigeen Afmadow ee Jubbada hoose, isla markiiba waxaa ka hortagay ciidanka dalka Kenya oo hadda rondo ku jira,”Ayuu yiri xilli uu la hadlay warbaahinta.

Tan iyo wixii kadambeeyay weerarkii Ceelcadde ee lagu qaaday ciidamada Kenya, waxaa socday duqaymo iyo weeraro dalkaasi la eeganayo kooxda Shabaab ee dagaalka kula jirta dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM