​2 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Caabud-waaq

Image

CAABUD-WAAQ, Somalia- Xiisad colaadeed ayaa maanta ka taagan magaalada Caabud-waaq ee bartamaha dalka Somalia, kadib markii ay ku dagaallameen labo mallayshiyo beeleed oo halkaas muddooyinkii dambe isku aruursanayay.

Dagaal maanta degmadaas ka qarxay, ayaa waxaa ku geeriyooday labo qof, halka dhawacu gaarayo in kabadan 10 ruux.

Isku dhaca labada mallayshiyo, ayaa wararku sheegayaan inuu la xiriiro aanooyin qabiil iyo dilal maalmahan ka dhacay degmada Caabud-waaq iyo deegaano hoos yimaada.

Is-rasaasayn xoog leh oo magaalada laga dhex maqlayay ayaa haatan is-taagtay, balse waxaa wali taagan xiisadda.

Ganacsiga iyo isu socodka bulshada, ayaa hakad ku jiray mudadii uu dagaalku socday.

Majirto cid kala dhex gashay, dagaalka ayaana iskiis u istaagay.

Waxgaradka Caabud-waaq ayaa ku howlan sidii colaaddaas loo damin lahaa, waxayna baaqyo nabadeed u direen dhinacyadii dagaallamay.

Ilaa hadda arrintaas kama hadlin dowladda Somalia ee waqtigeedu dhammaday.

Caabud-waaq ayaa muddooyinkii dambe, waxaa ragaadiyay colaado salka ku hayaa dhinaca qabaa'ilka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM