20 qof oo ku geeriyoodey dagaal beeleed ka dhacay Hiiraan

Image

January 21, 2015 (GO)- Ugu yaraan 20 qof ayaa ku geeriyoodey tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal goos goos ahaa oo 48dii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay miyiga tuulada Deefow ee gobolka Hiiraan.

Dagaalku wuxuu dhex maray labo mileeshiyo oo ka kala tirsan beelo halkaas wada dega kuwaasoo isku haysta dhul beereed lahaanshihiisa lagu muransan yahay.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa u badan labadii mileeshiyo ee dagaalku dhex maray.

Dhanka kale, waxgarad iyo odayaal labada dhinac ah ayaa gaarey goobihii shalay lagu dagaalamay si ay xaalada u qaboojiyaan.

Wararkii ugu dambeeyey ee Deefow iyo deegaanada ku xeeran naga soo gaarey ayaa sheegaya in xaaladu maanta degen tahay, balse waxaa jirta saan saan colaadeed iyadoo laga cabsi qabo in dib mar kale halkaas dagaalo uga dhacaan.

Saddex bilood kahor ayey ahayd markii sidan oo kale labada beelood halkaas ugu dagaalameen inkastoo markii dambe heshiis laga gaarey, balse colaadda ayaa dib mar kale usoo cusboonaatey shalay oo Talaado ahayd.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM