29 qof abaar ugu geeriyooday Jubbaland

Image

GAROWE- Maamulka Jubbaland ayaa xaqiijiyay geerida 29 ruux oo abaaro ugu dhintay deegaanno ka tirsan gobollada Jubbada dhexe, Gedo iyo Jubbada Hoose, waxayna sidoo kale ka dayriyeen nolosha dadweyne kale oo halkaasi ku dhaqan.

Wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish oo la hadlay VOA ayaa sheegay in deegaanada ay dadkan ku dhinteen ay ka jiraan abaaro xooggan oo saameeyey dad iyo duunyaba.

Darwiish, ayaa sidoo kale tilmaamay in dad aad u badan oo abaarta ka cararaya ay usoo qaxeen magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland kuwaasi oo sheegay in xaaladoodu aad u liidato.

Maamulka Jubbaland ayaa codsaday in gargaar deg deg ah lala soo gaaro deegaanada dhibaatooyinka ka jiraan.

Arrintan ayaa soo baxday kadib markii muddooyinkii ugu dambeeyay soo baxaysay qaylo dhaan ka imaanaysa dad shacab ah oo la il-darnaa xaaladda abaareed ee gayiga Somalia ka jirta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM