​5 katirsan ciidanka AMISOM oo Muqdishu lagu xiray

Image

MUQDISHU- Ciidamo katirsan kuwa Soomaaliya u jooga nabad ilaalinta iyo dhawr qof oo shacab ah ayaa maanta lagu xiray magalada Muqdishu, kadib markii lagu helay dambi ah inay iibinayeen agab ay leeyihiin ciidamada AMISOM.

Kooxahan oo lagu qabtay geerish ku yaalla agagaarka wakaaladdii hore ee Biyaha, waxayna faraha kula jiray iibinta agabyo isugu jiray; Shidaal, Sanaadiiqda Rasaasta, Jawaannada difaaca iyo Taleefoono.

Wasiirka amniga Soomalia, taliyaha ciidanka Booliiska iyo saraakiil kale ayaa gaaray goobta, waxayna sheegeen inay muddo ku daba jireen fal dambiyeedkan lagu helay 5 kamid ah ciidamada AMISOM.

Taliyaha ciidamada Boliiska Gen. Maxamed Sheekh Xaamud, ayaa xusay in Booliisku hayay xog sheegaysa khayaamaynta hantida loogu tala galay difaaca dalka islamarkaana muddo sugayeen qaabkii loo qaban lahaa raggan iyagoo ku jira dambiga loo haysto.

Dhinaca kale Wasiirka Amniga Cabdirsaaq Cumar Maxamed, ayaa sheegay inaysan arrintaasi ku cafin doonin ee ay gayn doonaan maxkamad iyaga iyo cidda u sahashay.

Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya, ayaa isna goobta joogay, wuxuuna laamaha amniga ku ammaanay siday ula socdaan dhaqdhaqaaqa dambiilayaasha isagoo usoo jeediyay inay cadaaladda horkeenaan xubnaha la qabtay.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay hogaanka ciidamada AMISOM.

Waa markii ugu horraysay ciidamo katisan Shabaab oo lagu helay khayaamaynta hantida ciidamadaasi lagu xiro magalada Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM