​5 qof oo ku dhimatay Muqdishu iyo Maydad laga helay Baladweyne

Image

MUQDUSHU, Somalia- Fah-Faahin dheeraad ah ayaa kusoo baxaya Shirl Gaari oo sababay Khaasaarooyin isagu jiro dhimasho iyo dhaawac oo Xalay fiidkii ka dhacay Muqdishu.

Inta la xaiijiyay 5 qof ayaa ku dhimatay Shil Gaari oo Xalay oo Jimco ahayd ka dhacay Xaafadda Daaru-Salaam oo ku taalla degmada Yaaqshiid, ee Waqooyiga magaalada Muqdishu.

Taliyaha ciidamada Booliska Muqdishu Bishaar Abshir Geedi, ayaa xaqiijiyay in Shilka uu yimid markii Gaari yar oo nooca raaxada ah dusha ka maray Dhalinyaro Kubad ku ciyaaraysay Garoon lagu dheelo kubadda Cagta.

Taliyaha ayaa sheegay in Gaariga uu ahaa mid si xowli ah ku socday, kadib markii darawalku lumiyay Bareega, taasoo keentay inuu ka baxo Waddada islamarkaana uu jiiro 5-ta qof ee kamidka ahaa dhalinyarada Kubada ciyaaraysay.

Wuxuu sheegay Taliyaha Booliska gobolka Banaadir in uu baxsaday Darawalka Gariga Shilka geestay, balse ciidamada amaanku kudabo jiraan.

3 qof ayaa ku dhaawacmeen shilkaas, waxaana la dhigay Ibitaal ku yaalla Degmada Yaaqshiid.

Dhanka kale, Wararka aan ka helayno magaalada Beledweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegay in duleedka magaaladaasi laga helay Meydadka Labo Nin oo walaalo ah.

Meydadka oo jirkooda ay ma muuqato Rasaas ayaa laga helay deegaan lagu magacaabo Wagada, oo ku dhawaad 22Km dhanka Waqooyi uga beegan magaalada Beledweyne.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in labadaas nin oo dhalinyaro ahaa, loo dilay sabab la xirrirta aano qabiil oo mudo sannado ah ka dhex-taaganayd Beelo deggan deegaanada duleedka Waqooyi ee Beledweyne.

Majirto ilaa hadda cid ka hadashay falkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM