5 Sarkaal oo Kenyan ah oo qarax lagu dilay

Image

NAIROBI-Ugu yaraan shan sarkaal oo booliis ah, ayaa ku geeriyooday qarax bam oo waddada dhinaceeda ka dhacay, bariga dalka Kenya, sida ay sheegeen booliiska iyo warbixino kale, xilli ciidamada Kenya ay kasoo baxayaan saldhigyo ku yaalla Soomaaliya.

Madaxa booliiska Kenya, Joseph Boinnet, ayaa xaqiijiyey inuu jiro qaraxa, oo dhacay talaadadii, hase yeeshee ma sheegin tirada khasaraaha.

Sarkaal sare oo booliis ah oo codsaday in aan la magacaabin ayaa sheegay in shan sarkaal lagu dilay qarax oo lala eegtay baabuur ay saaran yihiin ciidamada oo socda deegaanka Mpeketoni, oo u dhow xeebta Lamu.

Wargeyska Dail Nation ee Kenya, ayaa sidoo kale ku warramay in shan sarkaal la dilay, halka wargeyska the Standard uu dhimashada ku sheegay lix sarkaal, islamarkaana wargeyska the Star ayaa khasaaraha ku sheegay toddobo sarkaal.

Saraakiisha Kenya, ayaa badanaaba diida inay sheegaan khasaaraha kasoo gaara weerarada Al-Shabaab.

Qaraxa cusub ayaa imanaya ayada oo maanta ay Kenya u qabaneyso xus qaran askartii lagu dilay weerarkii Ceel-Cadde ee gobolka Gedo, halkaasi oo Shabaab ay ku weerareen saldhiggii ciidamada Kenya.

VOA

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM