​51 qof oo Shuban-biyood ugu geeriyooday Shabeellaha dhexe

Image

MAHADAAY, Somalia- Wararka laga helayo deegaano katirsan degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe, ayaa  sheegaya in deegaano ku dhow degmadaasi uu ka dilaacay cudurka Shuban-biyoodka.

Ilaa hadda waxaa geeriyooday 51 ruux oo isugu jira caruur iyo dad waaweyn.

Mid kamid ah tuulooyinka hoos yimaada Mahaadaay, waxaa la sheegay inay ku geeriyoodeen 21 qof.

Guddoomiyaha degmada Mahadaay, Axmed Xuseen Afrax, ayaa Radio Garowe u xaqiijiyay dhimashada dadka cudurku soo ritay, wuxuuna intaas ku daray inay wadaan qorshe lagula tacaalayaa dadka xanuunka u jiifa.

Afrax, ayaa xusay inaysan jirin cid ilaa hadda kaalmo soo gaarsiisay dadka deeganaadaasi ku sugan, isagoo xusay inay u diyaariyeen goobo caafimaad, halka dadka qaybtood la geeyay cusbitalka gobolka iyo kan degmada Mahadaay.

Ka maamul ahaan, ayuu tilmaamay inay la tacaalayaa sidii xanuunkan looga hortagi lahaa inuu ku faafo goobaha kale ee fayoow.

Lama ogo, waxay sababay xanuunkan, balse waxaa loo badinayaa caafimaad darro ka dhalatay biyo dadku cabeen.

Arrintan ayaa kusoo aaday xilli qaybo badan oo dalka Somalia, kamid ah ka jirto abaar baahsan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM