Shuban biyood ka dilaacey degmada Cabuudwaaq

Image
Image
Image
Image

15 November, 2015(GO)-Degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud waxaa ka dillaacay shuban biyood soo ritay 60 ruux, kuwaasi oo la dhigay cusbitalka degmadaasi.

Mas'uuliyiin ka socda maamulka Galmudug iyo dowladda Federaalka Somalia ayaa maanta booqday goob caafimaad oo la dhigay dadka xanuunkan soo riday,  kuwaasi oo u badnaa carruur.

Kiiskan ayaa sare u kacay labadii maalmood ee la soo dhaafay, waxaana xaaladooda la sheegay in dhallaanka qaybtii adagtahay iyadoo maamulka degmadaasi wadaan dadaallo lagu soo afjarayo cudurkan.

Ma jirto cid u dhimatay oo mas'uuliyiinta caafimaadka u xaqiijiyeen warbaahinta balse qaybtood bukaanka ayaa xaaladoodu liidataa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM