7 katirsan ciidanka dowladda oo lagu dhaawacay gobolka Gedo

Image

28 December, 2015(GO)-War goor dhaw naga soo gaaray magalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegay in la dhaawacay 7 katirsan ciidanka dowladda Somalia kadib markii lagu weeraray qarax dhulka loogu aasay.

Ciidanka ayaa ku sii jeeday xilliga falkaasi dhacay saldhig ay ku leeyihiin degmadaasi, waxaana xaaladooda caafimaad laga dayrinayaa labo kamid ah ciidanka dhaawacmay.

Lama garanayo cidda rasmiga ah ee weerarka fulisay, balse ciidanka ayaa tuhmay mallayshiyaad ka tirsan Al-Shabaab waxayna dagaal ku qaadeen fariisin ay ku lahaayeen deegaan lagu magacaabo Cali Xareed oo qiyaastii 20km u jirta Baardheere.

Weerarkaas waxaa ka dhashay khasaaro aan lacadday oo soo kala gaaray labada dhinac.

Kooxda Al-Shabaaba ayaa muddooyinkii dambe weeraro gaadmo ah la eeganaysay ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Somalia.

Majirto ilaa hadda cid kahadashay dagaalka Baardheere oo ka tirsan labada garab ee dagaalku dhexmaray. Xaaladda ayaa lagu soo waramayaa inay dagantahay, balse shacabka ayaa walaac ka qaba in dagaalku sii ballaarto.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM