7 katirsan ciidanka dowladda oo lagu dhaawacay gobolka Gedo

Image

28 December, 2015(GO)-War goor dhaw naga soo gaaray magalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegay in la dhaawacay 7 katirsan ciidanka dowladda Somalia kadib markii lagu weeraray qarax dhulka loogu aasay.

Ciidanka ayaa ku sii jeeday xilliga falkaasi dhacay saldhig ay ku leeyihiin degmadaasi, waxaana xaaladooda caafimaad laga dayrinayaa labo kamid ah ciidanka dhaawacmay.

Lama garanayo cidda rasmiga ah ee weerarka fulisay, balse ciidanka ayaa tuhmay mallayshiyaad ka tirsan Al-Shabaab waxayna dagaal ku qaadeen fariisin ay ku lahaayeen deegaan lagu magacaabo Cali Xareed oo qiyaastii 20km u jirta Baardheere.

Weerarkaas waxaa ka dhashay khasaaro aan lacadday oo soo kala gaaray labada dhinac.

Kooxda Al-Shabaaba ayaa muddooyinkii dambe weeraro gaadmo ah la eeganaysay ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Somalia.

Majirto ilaa hadda cid kahadashay dagaalka Baardheere oo ka tirsan labada garab ee dagaalku dhexmaray. Xaaladda ayaa lagu soo waramayaa inay dagantahay, balse shacabka ayaa walaac ka qaba in dagaalku sii ballaarto.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM