​7 qof isku qoys ah oo Shabeellaha hoose lagu dilay

Image

MUQDISHU- Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay in dablay hubaysan xalay dil u gaysteen shan carruur, labo wada dhalatay iyo ayaydood, kuwaasi oo ku sugnaa hoygooda, waxaana dilka kadib dab la qabadsiiyay hoygoodii.

Weerarka ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Dudumo oo 5km u jirta degmada Shalambood ee gobolkaas, waxaana warar aan helnay noo xaqiijiyay ee dhacdadani la xiriirto aano qabiil.

Ehelada dadkaasi ayaa sheegay in dablayda weerarka gaysatay, meel iskugu soo ururiyeen maydka kadibna dad qabadsiiyeen sida uu VOA u sheegay Axmed Sheekh Maxamed oo ah adeerka carruurtaasi.

Dablayda ayaa sidoo kale kaxaysatay 7 neef oo Lo’ ah iyo 5 Ari ah, mana jirto cid aqoonsatay haybtooda iyo halkay weerarka kasoo qadeen, balse waxaa si xooggan dhacdadaasi u cambaareeyay maamulka gobolka Shabeellah hoose.

Maamulka degmada Shalanbood ayaa sheegay inay ka daaleen xala la dhaxdhigo beelaha aanadu dhex taallo, iyagoo intaasi raaciyay inuu socday dadaal kale.

Kooxda dilka gaysatay ayaa goobta isaga baxday, waxaana 7-daasi ruux lala dhacay rasaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM