​7 qof isku qoys ah oo Shabeellaha hoose lagu dilay

Image

MUQDISHU- Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay in dablay hubaysan xalay dil u gaysteen shan carruur, labo wada dhalatay iyo ayaydood, kuwaasi oo ku sugnaa hoygooda, waxaana dilka kadib dab la qabadsiiyay hoygoodii.

Weerarka ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Dudumo oo 5km u jirta degmada Shalambood ee gobolkaas, waxaana warar aan helnay noo xaqiijiyay ee dhacdadani la xiriirto aano qabiil.

Ehelada dadkaasi ayaa sheegay in dablayda weerarka gaysatay, meel iskugu soo ururiyeen maydka kadibna dad qabadsiiyeen sida uu VOA u sheegay Axmed Sheekh Maxamed oo ah adeerka carruurtaasi.

Dablayda ayaa sidoo kale kaxaysatay 7 neef oo Lo’ ah iyo 5 Ari ah, mana jirto cid aqoonsatay haybtooda iyo halkay weerarka kasoo qadeen, balse waxaa si xooggan dhacdadaasi u cambaareeyay maamulka gobolka Shabeellah hoose.

Maamulka degmada Shalanbood ayaa sheegay inay ka daaleen xala la dhaxdhigo beelaha aanadu dhex taallo, iyagoo intaasi raaciyay inuu socday dadaal kale.

Kooxda dilka gaysatay ayaa goobta isaga baxday, waxaana 7-daasi ruux lala dhacay rasaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM