​7 qof oo ku geeriyootay dagaal ka dhacay Gedo

Image

GARBAHAAREY, Somalia- Wararka ka imaanaya deegaanka  Surriyo oo katirsan degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi ka dhacay dagaal kharaar oo dhexmaray ciidamada dowladda Somalia, AMISOM iyo ururka Al Shabaab.

Dagaalkaasi oo  la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa sababay dhimashada 7 ruux oo katirsan labada dhinac iyo dhaawac 15 kale.

Iska hor imaadka labada dhinac ayaa socday muddo saacado ah, wuxuuna bilowday kadib markii ciidamada huwanta ah weerar ku qaateen fariisin halkaasi ku lahaayeen ururka Al Shabaab.

Saraakiil katirsan laamaha ammaanka ayaa ku waramay in xaaladdu dagantahay iminka islamarkaana waxay guulo ka sheegteen dagaalkii maanta iyagoo xusay inay la wareegeen gacan ku haynta tuulada Surriyo.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Al Shabaab, balse xiriiro aan la samaynay dadka deegaanka waxay noo xaqiijiyeen in dagaalku muddo socday iyagoo sheegay inaysan ogaan karin khasaaraha rasmiga ah ee labada dhinac kala gaaray.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa goobta lagu dagallamay isku aruursanayay mallayshiyaad katirsan Al Shabaab kuwaasoo kasoo carray dagaallo Todobaadkii hore ka dhacay gobolka Gedo ee Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM