8 qof oo gaajo iyo harraaad ugu geeriyoodey gobolka Gedo

Image

October 22, 2014 (GO)- Ugu yaraan siddeed qof ayaa lagu soo waramayaa inay gaajo iyo oon ugu geeriyoodeen miyiga deegaanka Geriley ee gobolka Gedo.

Dadka geeriyoodey oo reer guuraa u badnaa waxay kasoo hayaameen deegaanno kale oo isla gobolka Gedo ka tirsan iyagoo kusii jeedey goobo roobka Dayrtu ka da'ay si ay xoolahooda daaq iyo biyo ula raadsadaan.

Aar Maxamuud oo kamid ah odayaasha deegaanka Geriley ayaa xaqiijiyey in dadkaasi dhinteen, isagoo intaas ku daray in 28 qof oo kale lasoo badbaadiyey welina jiraan qaar kale oo la la'yahay.

Abaarta ka jirta qaybo kamid ah gobollka Gedo waxaa ilaa iyo hada u geeriyoodey ku dhowaad 30 qof oo isugu jira dad waaweyn iyo carruur. Muddo labo sano ah wax roobab ahi kama di'in qaybo badan oo kamid ah gobolka Gedo.

Waxaa socda dadaallo loogu gurmanayo dadka abaartu saamaysay oo ay wadaan hay'adaha samafalka ee maxalliga ah iyo weliba kuwa caalamiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM