​8 qof oo ku dhimatay Dagaal ka dhacay Galgaduud

Image

BALANBAL, Somalia- Ugu yaraan 8 ruux ayaa ku geeriyootay, 10 kalena way ku dhaawacantay Dagaalka Culus, oo u dhaxeeya Labo Malleeshiyo Beeleed, kuwaasoo ku diriray qeybo katirsan gobolka Galgaduud.

Dagaalka wuxuu ka dhacay inta u dhaxaysa Degmooyinka Xeraale iyo Balanbal, waxaana wararku sheegayaan in Dagaalka uu sababay Barakac xooggan, oo dadka deegaanka ay sameeyeen.

Aano qabiil iyo muran ka dhasha Dhul-daaqsimeed, ayaa lagu soo waramayaa inuu salka ku hayo Dagaalka ka socdo gobolka Galgaduud, gaar ahaan duleedka degmada Balanbal.

Deegaanada uu Dagaalka ka socdo waxaa maamul ahaan ay hoostagaan Ahlu Sunna.

Warar Warsidaha Garowe Online ka helay ilo wareedyo lagu kalsoonyahay, ayaa sheegaya in wali dagaalka uu ka socdo Goobihii Shalay uu ka dhacay, mana jirto wax waan-waan ah oo ay samayanayaan Odayaasha Deegaanka iyo Ahlu Sunna si loo joojiyo colaaddaas.

Gobolka Galgaduud oo ay gacmo badan maamulaan, ayaa kamid ah Gobollada ay inta badan ka dhacaan Dagaal Beeleedyo soo noq-noqday, oo salka ku haya aanooyin qabiil iyo muran dhuleed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo War Cusub kasoo Saartay Kiiska Sacdiya Bajaaj ee Muqdisho Lagu Xiray

Dhanka kale, hay’adda Amnesty International ayaa hore ugu baaqday dowladda Soomaaliya in si shuruud la’aan ah loo sii daayo Sacdiya.

  • Soomaliya

    07-05-2026

  • 08:13PM

Beesha Caalamka oo ka Dooday Cunaqabatayn iyo Isbeddel Siyaasadeed iyadoo Xiisadda Soomaaliya Sii Kordhayso

Qodobada miiska saarnaa ayaa waxaa ka mid ahaa suurtagalnimada in la tixgeliyo siyaasadda World Bank ee loo yaqaan OP 7.30.

  • Soomaliya

    07-05-2026

  • 11:27AM