​Aaska Xildhibaan Burci oo dib loo dhigay

Image

MUQDISHU, Somalia- Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dib loo dhigay aaska Marxuum Xildhibaan Burci Maxamed Xamse oo katirsanaa Barlamanka Soomaaliya horayna xilal uga soo qabtay dawladihii dalka soo maray.

Aaska ayaa la sheegay inuu dhici doono maalinta Talaadada ee fooda inagu soo haysa, waxaana sababta loo dib dhigay lagu sheegay inay tahay arrimo la xiriira eheladiisa oo ka maqan dalka islamarkaana doonaya inay ka qayb galaan.

War lagu daabacay wakaalladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa la sheegay in loo samayn doono aas qaran islamarkaana ay ka qayb gali doonaan mas'uuliyiin katirsan dowladda.

Ra'isal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan ehelka iyo umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay, wuxuuna sheegay in marxuumku uu dhintay xilli uu u halgamayay dhismaha dalka.

“Waxaa dishay gacan ka xaqdaran oo dambiile ah, qolada Alshabab ee maanta ku faaneysa inay dad isku qarxiyaan waxaan u sheegayaa shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed in ay ka guuleysan doonaan. Wuxuu ka dhintay qaranka Soomaaliyeed isagoo hawshiisa gudanaya, Ilaahay waxaan uga baryayaa marxuumkii howlaha muhiimka ah qaranka u hayay inuu janaddiisa ka waraabiyo ,shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxayna ka siiyo samir iyo Iimaan,” Sidaasi waxaa yiri Ra'isal wasaare Sharmake.

Xildhibaan Burci ayaa ka mid ahaa dadkii ku dhintay 25-kii bishan weerar ka dhacay hotel Naaso-hablood kaasi oo ay gaysteen ururka Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM