Abaarta ka jirta gobolka Sanaag oo saamayn yeelatay [Dhagayso]

Image

20 Octobar, 2016(GO)-Baad iyo biyo la'aan xooggan ayaa laga soo sheegayaa gobolka Sanaag, xilli dhawaan Puntland shaacisay xaalad dag dag ah oo ka jirta deegaanadeeda.

Gudoomiyaha gobolka Sanaag Maxamud Ismacil Ciyoon oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay in abaartu saamaysay duunyada ku dhaqan gobolkaasi, waxaana uu xusay saddex meelood meel ka mid ah xoolaha ku noolaa gobolka abaartu waxyeelaysay.

Dadka ku nool deegaanka ayuu cabsi ka muujiyay inay ku lug yeelato xaaladda ka taagan Sanaag, waxaana uuna tilmaamay inay direen baaqyo ku aadan sidii waxa loogu qaban lahaa.

Gobolka Sanaag ma uusan helin xilli roobaadkii Gu'ga, siduu xaqiijayay Gudoomiyaha gobolkaasi, waana sababta keentay inay xaaladdu adkaato.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli qaybo ka mid ah Puntland Roobsatay, iyadoo ay jiraan goobo kale oo laga soo sheegayo abaaro ba'an.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM