Abdimalik Jones oo Muqdisho la keenay

Image

December 9, 2015 (GO)- Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo labo maalmood kahor isu soo dhiibay ciidamada Dowladda Federaalka ee Baraawe ku sugan ayaa maanta oo Arbaco ah lasoo gaarsiiyey magaalada Muqdisho.

Ninkan oo lagu magacaabo Abdimalik Jones islamarkaana ah Maraykanka madow, wuxuu Al-shabaab isaga baxay kadib markii isaga iyo koox uu ku jiro oo taageero u muujiyey Daacish loogu hanjabay in la dili doono.

Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranaka ayaa la wareegtay Jones. Warar aan sugneyn ayaa tibaaxaya in ninkaas lagu wareejin doono dowladda Marayakanka.

Dhowrkii bilood ee u dambeeyey waxaa soo shaac baxay khilaaf u dhexeeya hoggaanka sare ee Al-shabab, khilaafka ayaa ka dhashay ka go'aan gaarista in Al-shabaab ku biirto Daacish iyo inay kasii mid ahaato Al-qacida. 

Xubno ajnebi u badan oo taageersan fikirka ah in lagu biiro Daacish ayaa ka goostay Al-shabab, waxayna taasi keentay in dagaallo kooxda dhexdeeda ahi ka dhacaan gobolka Jubbada Dhexe. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM