Adeegyada caafimaad oo aan laga hirgalin Somalia

Image

03 September, 2015(GO)-Wasiirka wasaaradda caafimadka Somalia Xaawo Xasan Maxamed ayaa sheegtay inaan dalka laga fulin adeegyada asaasiga ah ee dhanka caafimaadka.

Sababta ayay wasiirka oo lahadlaysay VOA ku sheegtey inay jiraan dhaqaale xumo ay u  socon la’yihiin qorshihii Wasaaradda taaso sababtay illaa hadda inaan dalka laga fulin wax adeeg ah sida ay cadeysay Xaawo.

Mar ay ka hadlaysay qorshayaasha caafimaadka Somalia ayay tilmaamtey inay ka hortagayaan ka ganacsiga dawooyinka dhacay.

“Dalka haatan lagama hirgalin adeegyada asasiga ah ee loo baahnaa, waxaana loo fulin wayay dhaqaale la’aan, beesha caalamka ayaa arinta dhaqalaha gacanta ku haysa hadii aan heli lahayn waxbaa isbadali lahaa”ayay tiri wasiirka caafimadka Somalia.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli qeybo ka mid ah dalka Somalia laga soo sheegaya xaalado caafimaad darro iyo baahintaan macaluusha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM