Afar murashax oo ku tartamaya doorashada Madaxweynaha Jubaland

Image

August 13, 2015 (GO)- Afar murashax ayaa ku tartami doona doorashada madaxweynaha Jubaland oo lagu wado in ay magaalada Kismaayo ka dhacdo maalinta Sabtida ee taariikhdu ku beegan tahay August 15, 2015.

Afarta murashax oo sida guddiga doorashadu sheegeen soo buuxiyey dhammaan shuruudihii lagu xiray murashaxiinta, waxay magacyadoodu kala yihiin:

  1. Axmed Maxamed Islaam (Axned Mdoobe).
  2. Hilowle Aadan Maxamed.
  3. Maxamed Cismaan Yuusuf.
  4. Cusmaan Xuseen Xaaji (Feyruus).

Qaabka doorashadu u dhacayso waa qarsoodi, waxaana madaxweynaha cusub dooran doona baarlammaanka dhowaanta lasoo xulay ee Jubaland, kuwaas oo tiradoodu tahay 75 xildhibaan.

Madaxweynaha waqtigiisu sii dhammaanayo ee Axmed Madoobe ayaa loo badinayaa inuu doorashada ku guuleysan doono.

Dhanka kale, ammaanka magaalada Kismaayo ayaa si weyn loo adkeeyey, waxaana socda diyaar garow xooggan oo ku aadan doorashada.

Garowe Online ayaa si toos ah idiinku soo gudbin doonta wararka ku saabsan doorshada...

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM