Afar weriye oo lagu xiray Somaliland

Image

November 1, 2014 (GO)- Maamulka Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay afar weriye oo ka mid ah kuwa  telefishinada ku hadla afka soomaaliga uga soo warama degmada Gebiley.

Weriyeyaasha la xirey oo ka kala tirsan telefishinada Horn Cable, Somali Channel iyo Royal waxaa sababta loo xiray lagu sheegay war ay ka sameeyeen xaflad xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiyo shalay (Jimce) Gebiley ku qabsaday.

Warbixinaha laga sameeyey xafladdaas ayaa muujinayey in dad aad u tiro yar oo shaqaalaha dowladda u badni kasoo qayb galeen islamarkaana aanay ku sugneyn xubno meteleayey qaybaha kala duwan ee bulshada.

Waxaa sidoo kale warkaas lagu daawaday calanka iyo astaanta xisbiga kulmiye oo dadweyne caraysni ku gubayeen meel aan wax badan ka durugsaneyn goobta uu kulankaasi ka dhacay.

Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee magaciisa loosoo gaabiyo SOLJA ayaa xarigga weriyaasha aad u cambaareeyey kuna tilmaamay tallaabo xadgudub ku ah xoriyatul qowlka iyo xuquuqda warbaahinta labadaba.

Ma ahan markii ugu horeysey ee Maamulka Somaliland oo lgu eedeeyo inuu aad u caburiyo warbaahintu xabsiga u taxaabo weriyeyaal ka tirsan telefishinada caalamiga ah ee afka soomaaliga ku hadla.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM