Afey oo mar kale tagay Baladweyne

Image

BALADWEYNE, Somalia- Wafdi uu hogaaminayo wakiilka Midowga Afrika ee Somalia Maxamed Cabdi Afey, ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan, isagoo kulamo la qaatay qaar kamid ah duubabka dhaqanka.

Wakiilka ayaa kulan albaabada loo xiray la qaatay Ugaas Xassan Ugaas Khaliif, waxayna kawada hadlayeen arrimo la xiriira dhismaha maamulka labada gobolka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Warar madax bannaan oo shirkaasi ku xeeran ayaa sheegaya in labada dhinac aad uga doodayaan waxyaabaha lagu qancin karo bulshada gobolkaa si loo dhiso maamulkaasi, balse ilaa hadda ma jirto wax natiijo la gaaray.

Shirkan ayaa yimi maalmo uun kadib markii wafdi uu hogaaminayo Maxamed Cabdi Afey iyo General Gabre natiijo la'aan kaga laabteen kulan saacado badan socday oo ay la qaateen duub dhaqameedka gobolka Hiiraan.

Dhismaha maamulka labadaasi gobol ayaa muddo soo jiitamayay, waxaana hareeyay khilaaf ka yimi ergooyinka beelaha ka qayb galaya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dadaallada Dhexdhexaadinta Turkiga ee Khilaafka doorashadda Soomaaliya oo Wajahaya Dib-u-dhac iyo Cadaadis Caalami ah

Khilaafkaasi ayaa sababay in dhexdhexaadiyeyaasha Turkiga ee ku lugta leh hawsha ay ka fiirsadaan inay dib ugu laabtaan magaalada Ankara.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 07:53PM

"11 saacadood ayaa la i weydiinayay su'aalo" – Cumar Cartan

Wuxuu intaas ku daray inuu tusay saraakiisha waraaqihii rasmiga ahaa ee horyaalka FIFA iyo sawirrada taariikhda garsoorenimo ee uu leeyahay.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 06:37PM