Baarlamaanka labaad ee Koonfur Galbeed oo doortay afhayeen

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Arbacada maanta ah caasimada ku meelgaarka ah ee Baydhabo ku doortay gudoon cusub.

Doorashadda oo si toos ah looga baahinayey Telefishinka ku hadla afka Dowladda Soomaaliya waxaa codadkooda ka dhiibtay 93 mudane, sidda uu shaaca ka qaadey guddiga.

Dr Cali Saciid Fiqi, safiirkii Soomaaliya ee Midowga Yurub isla markaana xilal kala duwan horey u soo qabtay, ayaa loo doortey gudoomiyaha kadib markii uu helay cadodka ugu badan.

Sidda uu ku dhawaaqay gudoonka ku meelgaarka ah, Mr Fiqi oo wareega koowaad helay 83 cod ayaa ka guuleystay Maxamed Cabdiraxiin Nuur, oo ay u coddeysay laba Xildhibaan.

Intii ay socotay cod-bixinta, sidda laga soo xigtay natiijadda guddiga doorashada oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online, waxaa xumaatay 8 cod.

Dhanka kale, mudaneyaasha ayaa doortey gudoomiye ku xigeenka koowaad iyo labaad ee Golaha Wakiiladda maamulka Koonfur Galbeed.

Maxamednuur Maxamed Macalin ayaa kusoo baxay ku xigeenka koowaad markii uu 84 cod kaga badiyey Aamina Isaaq Maxamed oo 8 cod heshay.

Shamso Maxamed Yarow oo gacan-taag loogu coddeeyay maadaama aysan jirin cid la tartartay ayaa heshay 92 cod, iyadoo aysan jirin cid ka aamustay ama gebi ahaanba kasoo horjeesatay.

Amniga magaala madaxda gobolka Baay ayaa aad loo adkeeyay, iyaddoo ciidamo fara badan lagu arkayo nawaaxiga goobta ay ka dhaceyso doorashada, cabsi laga qabo weeraro awadeed.

Kadib doorashadooda, gudoonka cusub ayaa lagu dhaariyey isla goobta.

Koonfur Galbeed ayaa kamida maamuladii ugu horeeyay ee ka dhismay Soomaaliya tan iyo markii dalku qaatay nidaamka federaalka, oo haatan si weyn ugu baahan guud ahaan wadanka.

MUUQAALKA DOORASHADA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh Oo Taliye u magacaabey Guuto Cusub oo Ka Sammaayay Boosaaso, Puntland

Tallaabooyinkan ayaa sidoo kale dowladda ka sameysay gobollada Mudug iyo Nugaal, oo ay usoo dirtay siyaasiyiin Muqdisho mudo ku sugnaa.

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 10:56AM

NISA oo FBI-da Mareykanka u gacan gelisay Muwaadin Soomaali ah

Tan iyo sanadkii 2022-kii, Eidleh wuxuu ka baxsaday caddaaladda Mareykanka, isagoo ku dhuumanayay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 07:34AM