Afmadow: Carruur Ku Geeriyootay Miino ku Qaraxday

Image

KISMAAYO — Wararka ka imaanaya Degmada Afmadow ee Gobbolka Jubbada Hoose ee Soomaaliya ayaa sheegaya in labo carruur ay geeriyootay laba kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii sida la sheegay carruurtaasi ay ku qaraxday Miino ay ku ciyaarayeen, meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Afmadow.

Sida uu VOA u xaqiijiyey Dr. Xassan Mursal Muxumed oo ah agaasimaha isbitaalka Afmadow oo la gaarsiiyay labada qof ee carruurta ee dhaawacmay, carruurta qaraxa ku geeriyootay ayaa da'doodu ahayd 13 sano jir. 

Degmada Afmadow oo kamid ah deegaanadii ay saameeyeen dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay ayaa waxaa wali ka jirta khatar ku aadan in magaalada ay wali ka buuxaan haraadiga hubkii lagu dagaallamay.

VOA

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM