Afmadow: Carruur Ku Geeriyootay Miino ku Qaraxday

Image

KISMAAYO — Wararka ka imaanaya Degmada Afmadow ee Gobbolka Jubbada Hoose ee Soomaaliya ayaa sheegaya in labo carruur ay geeriyootay laba kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii sida la sheegay carruurtaasi ay ku qaraxday Miino ay ku ciyaarayeen, meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Afmadow.

Sida uu VOA u xaqiijiyey Dr. Xassan Mursal Muxumed oo ah agaasimaha isbitaalka Afmadow oo la gaarsiiyay labada qof ee carruurta ee dhaawacmay, carruurta qaraxa ku geeriyootay ayaa da'doodu ahayd 13 sano jir. 

Degmada Afmadow oo kamid ah deegaanadii ay saameeyeen dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay ayaa waxaa wali ka jirta khatar ku aadan in magaalada ay wali ka buuxaan haraadiga hubkii lagu dagaallamay.

VOA

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM