Ahlusunna oo ka hortimi shirka Muqdishu

Image

19 Octobar, 2015(GO)-Maamulka Ahlusunna Wal-Jamaaca ee gobollada dhexe Somalia ayaa ka horyimi shirka maanta ka furmaya magalada Muqdishu kaasi oo ay ka qayb galayaan madaxda dowladda Federaalka iyo maamulka goboleedyada Somalia.

Hogaamiyaha maamulka Ahlusunna Sheekh Maxamed Shaakir oo saxaafadda la hadlay ayaa xusay in  shirkaasi aan lagu casuumin isla markaana aysan aqoonsanayn wixii ka soo baxa.

“Waxaan halkaan ka cadeyneynayaa maamulkeena ku yimid rabitaanka shacabka gobalada dhexe, in aan wax qeyb ah ka ahayn shirka Muqdishu ka furmaya maanta, maadaama aanay jirin wax talo iyo tixgelin aan ku lahayn, waxaan u sheegaynaa shacabkeena inaan ku hageyno wax ay hubaan" Ayuu yiri Shaakir.

Maamulka Ahlusunna ayaa sidaan oo kale horay u qaadacay shirkii ka dhacay 19-21 September magalada Muqdishu, waxaana hadalkan imaanayaa xilli uu jiro khilaaf u dhaxeey maamullada Galmudug iyo Ahlusunna, wuxuuna salka ku haya maamulidda gobollada dhexe ee Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM