Ahlusunna oo ka hortimi shirka Muqdishu

Image

19 Octobar, 2015(GO)-Maamulka Ahlusunna Wal-Jamaaca ee gobollada dhexe Somalia ayaa ka horyimi shirka maanta ka furmaya magalada Muqdishu kaasi oo ay ka qayb galayaan madaxda dowladda Federaalka iyo maamulka goboleedyada Somalia.

Hogaamiyaha maamulka Ahlusunna Sheekh Maxamed Shaakir oo saxaafadda la hadlay ayaa xusay in  shirkaasi aan lagu casuumin isla markaana aysan aqoonsanayn wixii ka soo baxa.

“Waxaan halkaan ka cadeyneynayaa maamulkeena ku yimid rabitaanka shacabka gobalada dhexe, in aan wax qeyb ah ka ahayn shirka Muqdishu ka furmaya maanta, maadaama aanay jirin wax talo iyo tixgelin aan ku lahayn, waxaan u sheegaynaa shacabkeena inaan ku hageyno wax ay hubaan" Ayuu yiri Shaakir.

Maamulka Ahlusunna ayaa sidaan oo kale horay u qaadacay shirkii ka dhacay 19-21 September magalada Muqdishu, waxaana hadalkan imaanayaa xilli uu jiro khilaaf u dhaxeey maamullada Galmudug iyo Ahlusunna, wuxuuna salka ku haya maamulidda gobollada dhexe ee Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM