AKHRISO: Xubnaha lagu doortay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Doorashada Aqalka hoose ee Beelaha waqooyi ee dalka Somalia oo ka socoto Muqdishu ayaa waxaa lagu doortay Xildhibaan Cusub, oo qeyb ka ah 46 Mudane oo  Somaliland ka heshay Baarlamaanka.

Murashaxiinta la doortay, ayaa u badan xubno siyaasadda kusoo jiray kuwaasoo qaybtood u dhowyihiin madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee Xasan Sheekh Maxamud.

1 - Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ku guuleystay (51 cod)

2 - Cumar Guuleed oo guuleystay (29 cod)

3 - Aamino Axmed  oo ku guuleysatay (51 cod)

4 - Cilmi Maxamed Nuur oo ku guuleystay (45 cod)

5 - Maryan Maxamuud Ciise oo ku guuleysatay (33 cod)

6 - Xorriyo Aadan Ciise, oo loo tanaasulay

7 - Saalax Axmed Jaamac, oo tanaasulay

8 - Cabdi Maax Faarax.

Talaadadii lasoo dhaafay waxay Ergadu doorteen 6 Xildhibaan, waxaana wadarta Guud ee kusoo baxay Doorashada Beelaha Somaliland ee Muqdishu noqonayaan 24 Xildhibaan.

Beelaha wali ma aysan sooran xubnaha Aqalka sare, iyadoo waqtiga ugu dambeeyay ee la dhaarinayo Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ay tahay 15-ka Bishan, 5 maalmood kadib, sida qorshaha uu yahay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Saraakiil Soomaali ah oo ku dhow Xasan Sheekh oo wajahaya xayiraado safar - XOG

Waddamada reer Galbeedka ayaa bilihii u dambeeyay xoogga saaraya doorka caasimadaha Afrika ee deriska la ah Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 12:23PM

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM