AKHRISO: Xubnaha lagu doortay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Doorashada Aqalka hoose ee Beelaha waqooyi ee dalka Somalia oo ka socoto Muqdishu ayaa waxaa lagu doortay Xildhibaan Cusub, oo qeyb ka ah 46 Mudane oo  Somaliland ka heshay Baarlamaanka.

Murashaxiinta la doortay, ayaa u badan xubno siyaasadda kusoo jiray kuwaasoo qaybtood u dhowyihiin madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee Xasan Sheekh Maxamud.

1 - Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ku guuleystay (51 cod)

2 - Cumar Guuleed oo guuleystay (29 cod)

3 - Aamino Axmed  oo ku guuleysatay (51 cod)

4 - Cilmi Maxamed Nuur oo ku guuleystay (45 cod)

5 - Maryan Maxamuud Ciise oo ku guuleysatay (33 cod)

6 - Xorriyo Aadan Ciise, oo loo tanaasulay

7 - Saalax Axmed Jaamac, oo tanaasulay

8 - Cabdi Maax Faarax.

Talaadadii lasoo dhaafay waxay Ergadu doorteen 6 Xildhibaan, waxaana wadarta Guud ee kusoo baxay Doorashada Beelaha Somaliland ee Muqdishu noqonayaan 24 Xildhibaan.

Beelaha wali ma aysan sooran xubnaha Aqalka sare, iyadoo waqtiga ugu dambeeyay ee la dhaarinayo Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ay tahay 15-ka Bishan, 5 maalmood kadib, sida qorshaha uu yahay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM