Al shabaab oo 5 qof ku gowracdey Degmada Tiyeeglow

Image

TIYEEGLOW, Somalia - Maleeshiyada Kooxda Al shabaab ayaa 5 ruux oo shacab ah ku gowracay degmada Tiyeeglow, ee gobolka Bakool kadib markii Bisha October kala wareegeen ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda Somalia.

Xildhibaan Maxamed Isaaq Xuseen (Afaraale) oo ka mid ah Baarlamaanka Somalia, ayaa xaqiijiyay dilka 5-ta qof, isagoo intaasi ku daray in sababta loo gowracay ay tahay shaki ah inay la shaqeeyaan  Ciidanka Ethiopia. 

Xildhibaan Afaraale wuxuu sheegay in Labo kamid ah 5-ta qof ee la dilay ay ahaayeen Ganacsato, ay Al shabaab ku eedeeyeen inay wax ka iibin jireen ciidamada Ethiopia, ee isaga baxay degmadaasi.

Dhinac kale, Xildhibaan Afaraale ayaa sheegay in shacabka degmada billaabeen Barakac xoogan, kadib markii ay Al shabaab dileen dhowr qof oo kamid ahaa dadka deegaanka, kuwaasi oo qaarkooda ay gowraceen. 

Dadka ayaa u barakacay dhanka deegaanada ku dhaw xadka Ethiopia iyo magaalooyin ku yaallo gobolada Gedo iyo Baay.

Al shabaab kama aysan hadlin dilka lagu eedeeyay iyo Barakaca la sheegay inuu ka socdo Tiyeeglow, oo dhawaan gacantooda gashay.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM