Al Shabaab oo Ciidanka Koonfur Galbeed kala wareegay Goofgaduud

Image

GOOFGADUUD, Somalia - Malleeshiyada Al Shabaab ayaa saakay dagaal dhiig ku daatey kula wareegay deegaanka Goofgaduud, oo ku dhawaad 30KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada Baydhobo, ee xarunta gobolka Baay.

Wararka ayaa sheegaya in Al shabaab ay dhowr jiho ka weerareen deegaanka, kadibna ay dagaal culus oo khasaaro geestay kula galeen gudaha ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya. 

Ciidamada laga soo saarey Goofgaduud ayaa dib ugu gurtay magaalada Baydhobo, oo xarun KMG uu ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxaa jiro khasaaro aan la shaacin oo gaarey labada dhinac.

Al shabaab ayaa kordhayay weerarada ka dhanka ah deegaanada ay maamusho dowladda Soomaaliya, waxaana mudo bil gudaheeda ah ku qabsadeen 4 deegaan, oo qaarkood ciidamada Ethiopia ka baxeen. 

Maamulka Koonfur Galbeed kama uusan hadlin wali la wareegista Al shabaab ee deegaanka Goofgaduud.

Fahfaahin dheeraad ah kala soco Wararkeena danbe.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Ismari-waaga Siyaasadeed oo Halis Geliyay Rajadii Dowladda ee Taageerada Caalamiga ah iyo Ajandaha Amniga

Midda koowaad ayaa ahayd inay sare u qaaddo kalsoonida deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, gaar ahaan Bangiga Adduunka.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 07:50PM

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya kadib markii Wasiir loo diiday gelitaanka Kenya

Dhacdadan ayaa timid wax ka yar bil kaddib markii sidoo kale la sheegay in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 01:22PM