Al Shabaab oo dad ku dishay deegaanka Cel Cali

Image

CEEL CALI, Somalia- Ururka Al shabaab ayaa 4 qof oo shacab ah waxay ku dileen deegaanka Ceel Cali ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo maalintii Shalay kala wareegeen ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Afarta qof waxay Al shabaab ku dileen Goob Fagaaro ah shalay gelinkii danbe, waxaan dadkaasi ku baxay gacantooda ku jiray Wadaad/Sheekh iyo Oday si wayn looga yaqaaney deegaanka Ceel Cali, oo 70KM dhanka galbeed uga beegan Beledweyne.

Dadka la dilay ayaa lagu magacaabaa; Abwaan Xaaji Cabdi Wahaab Buurfuule (Wadaad Tabliiq ahaa), Maxamed Xaayow Aadan iyo Nabadoon Biriq.

Qofka saddexaad oo aanu magaciisa wali helay ayaa naloo sheegay inuu kamid ahaa gacansatada deegaanka Ceel Cali.

Maxkamad ay leedahay xarakada Al shabaab ayaa dadkan ay dileen ku eedeysay inay xiriir la lahaayeen ciidamada Ethiopia.

Al shabaab waxay sidoo kale xabsiga dhigeen ku dhawaad 100 qof, oo dhalinyaro u badan, kuwaasi oo ay ku tuhmayaan inay wadashaqeyn la leeyihiin ciidamada isaga baxay deegaanka Ceel Cali ee gobolka Hiiraan.

Deegaanka Ceel Cali, oo dadka ku nool lagu qiyaasay 60,000 oo qof ayaa waxaa lasoo gudboonaatey cabsi xoogan, kadib markii Al shabaab meel fagaaro ah ku gowraceen Afar qof 11 October, 2016.

Dhanka kale, Al shabaab waxay Nin Dhalinyaro ahaa ku dishay deegaan lagu magacaabo Ceel-qooxle oo ku dhaw degmada Galhareeri,  ee gobolka Galgaduud, bartamaha dalka Soomaaliya.

Ninka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cabdishakuur Cali Siyaad, ayaa waxay Al shabaab ku eedeeyeen inuu ku dilay deegaanka qof kale oo Shacab ah kaasi oo magaciisa lagu sheegay Tahliil Cabdi Warsame Geed.

Xukunada Al shabaab ku fulisay Dadka Shacabka ah, ayaa dhamaantood waxay yihin kuwa hal dhinac ah, oo aan jirin Qareeno u dooda eedeysaniyaasha ay xukunto Maxkamadaha Ururkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM