​Al Shabaab oo degmada Saakoow ku dirshay saddex oo Basaasiin ay ku eedeeyeen

Image

SAAKOW, Somalia- Malleeshiyada Ururka Al Shabaab, ayaa Saddex qof oo Shacab ah waxay ku toogteen degmada Saakow, ee gobolka Jubbada Dhexe ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa meel Fagaaro ah oo ku yaalla degmada Saakow ku dilay Raggan, oo lagu kala magacaabi jiray Cabdullaahi Axmed, 51 Jir, Libaan Xuseen, 21, iyo Maxamed Salaad oo 31 Jir ahaa.

Qaadiga Maxkamadda Al Shabaab ee Degmada Saakow oo ka hadlay Goobta Toogashada ka dhacday in Ragga ay dileen u basaasi jireen ciidanka Kenya, ee qeybta ka ah AMISOM iyo Sirdoonka Mareykanka (CIA).

Bulshada Degmada Saakow, oo caruur iyo dumar ay ku jireen, ayaa daawanaayay qaabka ay u dhacday toogashada wadareedka Al Shabaab ku fulisay 3-da Qof ee Shacabka ah.

Bishan horaanteeda, Al Shabaab ayaa Dilal noocan ah ugu geestay degmada Jilib, ee gobolka Jubbada Dhexe Muwaadiniin u dhashay dalka Kenya iyo kuwa Soomaali ah oo ay ku eedeeyeen Basaasnimada.

Ururka Al shabaab oo looga adkaaday dagaalka ka socda Koonfurta waddanka Soomaaliya, ayaa inta badan Dilalka noocan ah kuu fuliya dadka ay uga shakiyaan inay Jaajuus u yihiin Sirdoonka dowladda Somalia iyo kuwa Ajnabiga ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM