​Al Shabaab oo gacanta ku dhigtay Askari katirsan AMISOM

Image

BARIIRE, Somalia- Al Shabaab ayaa gacanta ku dhigtay Askari katirsan ciidamada AMISOM, kaasi oo ay kusoo bandhigtay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose.

Askarigan oo u dhashay dalka Uganda ayaa waxaa lagu qabtay duleedka degmada Qoryooley, waxaana warar kala duwan kasoo baxayaan qaabka uu gacanta ugu galay Kooxdaasi.

Al Shabaab waxay sheegtay in Askariga ku qabteen howlgal gaar ah, halka AMISOM ay tilmaamtay in Askariga uu ku lumay meel 3KM u jirta Saldhigooda military ee degmada Qoryooley maalintii shalay.

Askarigan oo jeebaysan, islamarkaana saaran Gaari nooca dagaalka ah ayaa waxay Al shabaab kusoo bandhigeen deegaanka Bariirre, waxaana la ogeyn sida ay ka yeeli doonaan.

Afhayeen u hadlay kooxdaasi oo lagu magacaabo Abu Muscab, ayaa sheegay in Askarigan lagu qabtay howlgal qorshaysan oo ay fuliyeen koox gaar ah oo katirsan Al Shabaab

AMISOM waxay xustay inay baadi-goobayso Askariga maqan oo aysan xaqiijin inuu gacanta ugu jiro Al Shabaab.

Ilaa hadda wax war ah kama soo bixin dowladda Ugandha iyo taliska ciidamada AMISOM.

Al shabaab ayaa horey gacanta ugu dhigtay Askar badan oo u dhashay dalalka Uganda, Kenya iyo Burundi, kuwaasoo qeyb ka ah AMISOM kadib weeraro ay ku qaadeen saldhigyadooda Leego, Ceel Cadde iyo Jannaale.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM