​Al Shabaab oo gacanta ku dhigtay Askari katirsan AMISOM

Image

BARIIRE, Somalia- Al Shabaab ayaa gacanta ku dhigtay Askari katirsan ciidamada AMISOM, kaasi oo ay kusoo bandhigtay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose.

Askarigan oo u dhashay dalka Uganda ayaa waxaa lagu qabtay duleedka degmada Qoryooley, waxaana warar kala duwan kasoo baxayaan qaabka uu gacanta ugu galay Kooxdaasi.

Al Shabaab waxay sheegtay in Askariga ku qabteen howlgal gaar ah, halka AMISOM ay tilmaamtay in Askariga uu ku lumay meel 3KM u jirta Saldhigooda military ee degmada Qoryooley maalintii shalay.

Askarigan oo jeebaysan, islamarkaana saaran Gaari nooca dagaalka ah ayaa waxay Al shabaab kusoo bandhigeen deegaanka Bariirre, waxaana la ogeyn sida ay ka yeeli doonaan.

Afhayeen u hadlay kooxdaasi oo lagu magacaabo Abu Muscab, ayaa sheegay in Askarigan lagu qabtay howlgal qorshaysan oo ay fuliyeen koox gaar ah oo katirsan Al Shabaab

AMISOM waxay xustay inay baadi-goobayso Askariga maqan oo aysan xaqiijin inuu gacanta ugu jiro Al Shabaab.

Ilaa hadda wax war ah kama soo bixin dowladda Ugandha iyo taliska ciidamada AMISOM.

Al shabaab ayaa horey gacanta ugu dhigtay Askar badan oo u dhashay dalalka Uganda, Kenya iyo Burundi, kuwaasoo qeyb ka ah AMISOM kadib weeraro ay ku qaadeen saldhigyadooda Leego, Ceel Cadde iyo Jannaale.

GAROWEONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo ansixiyey $10 milyan oo taageerayo hawlgalka Soomaaliya

Lacagtan ayaa lagu xoojinayaa awoodda hawlgalka AUSSOM maadaama uu ka wareegayo hawlgalka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    13-07-2025

  • 01:54PM

Villa Somalia oo Ciidamo u dirtay Gedo oo qarka u saaran inuu dagaal ka qarxo

Xiisadda u dhaxeysa ciidamada federaalka iyo kuwa la safan Jubbaland ayaa muddooyinkii dambe ahayd mid kacsan.

  • Soomaliya

    13-07-2025

  • 11:59AM