​Al Shabaab oo gacmaha ka jartay labo Dhalinyaro ah

Image

GALHAREERI, Somalia- Kooxda Al shabaab ayaa Maanta Gacmaha ka jartay Labo Nin oo Dhalinyaro ah oo fal tuuganimo ah ku eedeysay inay ka geysteen degmada Galhareeri ee Galgaduud.

Labada dhinyarada ah oo lagu kala magacaabo Faarax Bile Maxamed iyo Quuri Cusmaan Cabdi, ayaa gacanta midig looga jaray Goob Fagaaro ah, oo ay isagu soo baxeen Boqolaal dadweyne, oo caruur iyo Haween u badan.

Faarax Bile Maxamed iyo Quuri Cusmaan Cabdi ayaa gacmaha looga jaray inay Goob ganacsi ka xadeen lacag qiimaheedu gaarayso $285 (Labo Boqol iyo Sideetan iyo Shan Doolarka Mareykanka).

Labada Dhalinyarada oo aad ugu dhiig-baxay Faraagaraha gacanta looga gooyay, ayaa markii dambe la dhigay iyagoo miir-beelay Isbitaalka Al shabaab ee degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud.

Kooxda Al shabaab ayaa inta badan xukunada noocan ah ku fuliyo dadka ay ku eedeeyso Xatooyada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM