​Al Shabaab oo la wareegay Rabdhuure, gobolka Bakool

Image

MUQDISHU, Somalia- Wararka ka imaanaya degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool, ayaa sheegaya in mallayshiyaad katirsan ururka Al Shabaab la wareegeen gacanta ku haynta deegaankaasi kadib markii ay ka baxeen ciidamo katirsan AMISOM iyo dowladda Somalia.

Qoraal ururka Al Shabaab soo dhigeen barahooda taageera ee Internet-ka, waxay ku sheegeen inay gacanta ku hayaan deegaankaas oo ay maamulayaan iyadoo nabdoon.

Lama oga sababta ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda uga baxeen degmada Rabdhuure.

Horay ayaa sidaan oo kale ururka Al Shabaab ula wareegeen deegaano ay ka baxeen ciidamada huwanta ah.

Xaaladda degmada ayaa lagusoo waramayaa inay haatan dagantahay, balse dadweynaha ayaa ka cabsi qaba inay ka dhacaan dagaallo maadama sidaan oo kale horay labada dhinac ugu dagaallameen deegaano ciidanka dowladdu ka baxeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM