​Al Shabaab oo lagu duqeeyay tuulada Yimbis

Image

AFGOOYE, Somalia- Diyaarado dagaal oo loo malaynayo inay leeyihiin ciidamada militariga Mareykanka, ayaa duqeyn cirka ah ka fuliyay deegaan ay maamusho Kooxda Al shababa oo ku yaalla gobolka Shabeellaha hoose.

Duqeynta ayaa xalay saqdii dhexe waxay ka dhacday deegaan lagu magacaabo Yinbis, oo ku dhawaad 15KM u jiro degmada Afgooye, halkaasi oo fariisamo ku leeyihiin Al shabaab, sida dadka deegaan u xaqiijiyeen GO.

Saraakiisha Al shabaab oo ku sugan deegaanka Yinbis, ayaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday weerarka Duqeynta ah, waxaana wararku xusayaan inay jiraan khasaarooyin kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac isagu jira.

Mareykanka iyo Al shabaab midna kama hadlin weerarka, balse dadka deegaan qaar oo GO la hadlay ayaa tilmaamay in Deegaanka Yinbis saakay ay Al shabaab ka sameeyeen dhaq-dhaqaaqyo iyo howlgallo ciidan.

Mareykanka ayaa dhowr jeer oo hore ugu weeraray Al shabaab deegaano iyo degmooyin ku yaallo koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Weerarada cirka ee ka dhanka ah Al Shabaab, ayaa waxaa fuliya diyaarado ay leedahay dowladda Maraykanka, waxaana howlgalka xalay dhacay loo badinayaa inay iyago ka dambeeyeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM