​Al Shabaab oo Meydadka Askar Kenyan ah kusoo bandhigay Jilib

Image

JILIB, Somalia- Ururka Al Shabaab ayaa kusoo bandhigay degmada Jilib, ee gobolka Jubbada Dhexe meydadka Labo Askari oo u dhashay dalka Kenya, kuwaasi oo lagu dilay weerar ka dhacay Hamey.

Shabaab ayaa Khamistii lasoo dhaafay weerar ka geestay saldhiga booliska Kenya ku leeyihiin deegaanka Hamey, halkaasi oo ay ku dileen labada Askari ee ay kusoo bandhigeen Jilib.

Hub, rasaas iyo qalab ciidan, oo gaadiid ah kamid yihiin ayay Al shabaab sidoo kale kasoo qaateen saldhiga Hamey. Meydadka lasoo bandhigay waxay kala ahaayeen Job Kibet iyo Kiprotich Ng’eno.

Afhayeenka booliska Kenya ayaa sheegay in ilaa 50 dagaalyahan oo kamid ah Al shabaab, oo watay labo Toyota Land Cruisers ay weerareen saldhiga deegaanka Hamey oo katirsan Garisa Khamiistii lasoo dhaafey.

Wuxuu sheegay Afhayeenku in Al Shabaab ay la kulantay iska-caabin, intii uu socday weerarka oo lagu dilay labada Askari ee Booliska ah, kuwaasi oo meydadkooda dhanka Somalia loo soo gudbiyay.

Dhowr Sarkaal oo kale oo kamid ah Booliska Kenya ayaa lagu dhaawacay weerarka, waxaana Afhayeenka Booliska Kenya xaqiijiyay in saldhig mudo kooban la wareegeen Al shabaab, islamarkaana ay gubeen qeybo kamid ah, kahor intaysan ka bixin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM

Shirka Xalane oo soo dhammaaday iyo Mucaaradka oo isugu tegaya Hotel Airport

Madaxdii mucaaradka ee shirka ku matalaysay dhinaca kale ayaa hadda u soo jiheystay Hotel Airport.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 11:11AM